Jeremie Frimpong Oo Magacaabay Garoonka Ugu Fiican Kubadda Cagta Adduunka

Jeremie Frimpong ayaa ammaan ballaaran u jeediyay garoonka Anfield, isagoo ku tilmaamay “garoonka ugu fiican” ee uu abid ku ciyaaray. Xidiggan reer Holland ee hadda u ciyaara Liverpool ayaa xasuustay markii uu wajahay kooxda Reds isagoo u ciyaaraya Bayer Leverkusen kulan ka tirsanaa Champions League bishii November ee la soo dhaafay, halkaasoo ay Leverkusen 4-0 ku guuldareysteen.

Frimpong ayaa sheegay in kulankaas uu si weyn ugu reebay saameyn, isagoo dareemay heerka sare ee Liverpool. Wuxuu yiri:

“Markaan u ciyaarayay Leverkusen, Anfield wuxuu ahaa garoonkii ugu fiicnaa ee aan abid ka ciyaaro. Jawiga, taageerayaasha, iyo kooxda – wax walba waa heer sare.”

Wuxuu sidoo kale qiray tayada Liverpool, isagoo yiri:

“Uma baahni inaan wax badan ka iraahdo tayada Liverpool – waxay ku guuleysteen horyaalka. Markii aan la ciyaarayay, aad ayuu u adkaa. Leverkusen way fiicneyd laakiin waxaad si cad u arkaysay in Liverpool ay tahay heer kale.”

Frimpong hadda waxa uu dareemayaa sharaf weyn inuu u ciyaaro koox uu si weyn uga helay markii horeba.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football