Jawaabtii Cajiibka Ahayd Ee Lionel Messi Uu Ka Bixiyey Hees Loo Sameeyey N’Golo Kante Oo Ereyadeeda Magaciisu Ku Jiray

Jimcihii waxa uu kulan dhex maray labada xiddig ee ugu waaweyn kooxaha Barcelona iyo Manchester United ee Lionel Messi iyo Paul Pogba oo iska helay hotel ku yaalla magaalada Dubai.

Labada ciyaartoy ayaa iskugu yimid maqaxida Salt Bae ee laga cuno hilibka lo’da, waxaanay halkaas ku wada qaateen wakhti kooban oo ahaa illaa ay cuntada dhamaysanayeen, sharaabayeen isla markaana ay ku qaadanayeen waqti kale oo sheekaysi iyo kaftan ah.

Messi iyo Pogba oo labadooda xul qaran ee Argentina iyo France ay ku kulmeen koobkii adduunka ee Ruushka lagu qabtay badhtamihii sannadkan oo wareegga 16-ka lagu derdaray Argentine oo guusha uu Faransiisku ku qaatay 4-3, ayaa waxay qayb ka mid ah waqtigooda isku xasuusiyeen ciyaartaas iyo ciyaartoygii caqabadda ku noqday Messi ee uu dhaafi kari waayey.

Ciyaartaas xasuusta reebtay ayaa markii ay dhamaatay waxay jamaahiirta Faransiisku ku heeseen magaca N’Golo Kante oo ay u aqoonsadeen halyeygooda guusha u keenay ee joojiyey xiddigaha reer Argentine gaar ahaan Lionel Messi.

Intii uu socday kulankii Jimcihii ayaa uu Paul Pogba oo hor taagan Lionel Messi ku celiyey heestii Jamaahiirtoodu ku heeseen kulankaaas, waxaana si weyn ugu qoslay xiddiga reer Argentine oo jawaab cajiib ah ka bixiyey.

Pogba oo wada eryada heesta oo ku luuqaynaya ayaa si kooban usoo dhex-galay Messi oo ku yidhi: “Taasi (heesta) waa been.”

Ereyadii Heesta oo English Ah

“N’Golo Kante,

“Pala Lalala,

“He’s short, he’s nice,

“He stopped Leo Messi,

“But we all know he’s a cheater,

“N’Golo Kante”

Halkan ka daawo xulka qaranka France oo ku luuqaynaya heesta Kante