Mesut Ozil Oo Bannaanka Soo Dhigay Sida Ay Dadka Jarmalku U Neceb Yihiin

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Mesut Ozil ayaa sheegay inay jiraan dad neceb oo ku sugan waddanka Jarmalka, laakiin aanu u joojin doonin.

Ozil ayaa markii uu Koobka Adduunka ee 2018 ee lagu qabtay Ruushka badhtamihii sannadkan, waxa uu ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha xulka qaranka dalkiisa Germany, waxaanu markaas xusay in aanu mar dambe u ciyaari doonin, isaga oo ka cabanayey dhalleecayn iyo aflagaadooyin isir nacayb ah oo uu kala kulmay madaxda xidhiidhka kubadda cagta dalkaas.

Waraysi uu daabacay wargeyska Dailyy Mail, ayaa waxa uu Ozil mar kale ku celiyey in dalkiisa Germany ay joogaan kuwo neceb iyo dad kale oo jecel, balse inta isaga kasoo horjeedda aanu u joojjin doonin.

“Bal eeg, waan garanayaa inay halkaa joogaan kuwo i jecel iyo kuwo i neceb ba, xaqiiqada nolosha ayaana sidaas ah, laakiin aniga waxa muhiim ii ah dadka sida dhabta ah ii jecel ee igu xeeran.” Sidaas ayuu yidhi Ozil.

30 jirkan oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Turkiga, ayaa lagu eedeeyey inuu sabab u ahaa fadeexaddii Jarmalka kasoo gaadhay Koobkii Adduunka, arrinta lagu haystayna may ahayn qaab ciyaareedka balse waxay ahayd mid dabada-gelisay siyaasad kaddib markii uu la kulmay madaxweynaha dalka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Turkey, Raceb Tayyib Erdogan.

“Marka aan guuleysto Jarmal ayaan ahay, marka aanu guul-darraysanana soo-galooti.” Ozil ayaa hadalkaas yidhi bishii July markii uu ku dhowaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.

Ozil ayaa waxa kalsooni iyo taageero badan u muujisay kooxda Arsenal oo waqtigaas si adag isku garab taagtay, waxaanay taasi keentay inuu si wanaagsan garoomada uga muuqdo, kana caawiyo Gunners in 11 ciyaarood oo xidhiidh ah ay guul kala baxdo garoomada xili ciyaareedkan.