Jamie Gittens Oo Bannaanka Keenay Sababta Ka Dambeysa Inuu Chelsea Ku Biiro

Chelsea ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa garabka weyn ee la qiimeeyo, Jamie Gittens, oo kaga yimid Borussia Dortmund.

Ciyaaryahanka xulka England ee da’da yar (Under-21) ayaa ugu biiray Blues heshiis ku kacaya £48.5 milyan, oo ay dheer yihiin £3.5 milyan oo gunnooyin ah oo la xiriira waxqabadkiisa.

Xiddigan 20-jirka ah ayaa muujiyay farxaddiisa ku aaddan inuu la shaqeyn doono tababaraha cusub ee Chelsea, Enzo Maresca, isagoo xusay in nidaamka uu Maresca ciyaaro uu yahay mid aad ugu habboon garabyada weerarka — taasoo ahayd sababta ugu weyn ee uu u go’aansaday inuu u wareego Chelsea.

Gittens ayaa yiri:

“Enzo Maresca wuxuu si cad iigu muujiyay sida Chelsea u ciyaarto iyo sidey adeegsato ciyaartoyda garbaha.

Nidaamkaas wuxuu u dhisan yahay in garbaha weeraraan daafacyada oo ay fursad u abuuraan xiddigaha kale ee weerarka. Waxaan is iri, ka mid noqoshada nidaamkan ee Enzo waa fursad qumman oo mustaqbal fiican kuu horseedi karta.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football