Jamaahiirta Man United Oo Magacaabay Ciyaartoy Musiibo Ku Ahaa Oo Ka Hor Istaagay Inay Ka Guuleystaan Arsenal

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchesster United ayaa magacaabay ciyaartoy musiibo ku ahaa bandhiggooda kulankii xalay ay barbar dhaca kula galeen Arsenal.

Man United oo garoonkeeda joogtay ayaa 2-2 kula dhamaysatay Arsenal oo marti u ahayd, waxaana ay ku sigatay in laga qaato saddexda dhibcoodba markii daqiiqaddii 88aad laga dhaliyey gool uu garsooraha ciyaartu diiday.

Intii ay ciyaartu socotay qaar ka mid ah ciyaaryahannada Manchester United ayaa sameeyey khaladaad sida Ander Herrera, laakiin waxa lama filaan noqotay in David de Gea oo xili ciyaareedkii tegay ahaa shaqsigii dhibcaha ugu badan u badbaadiyey uu sameeyey khaladaad dhimasho ah oo guul-darro qadhaadh u horseedi gaadhay kooxdiisa.

Goolhayahan reer Spain ayaa daqiiqaddii 88aad sameeyey wax lagu tilmaamay musiibo laakiin garsooruhu ka badbaadiyey markii uu si khalad ah ku diiday gool Arsenal dhalisay, waxaase wehelinayey khaladaad kale oo intii ciyaartu socotay uu sameeyey.

Khaladka ugu weyn ee De Gea waxa uu sababay in goolka koowaad laga dhaliyo iyadoo uu difaaca Arsenal ee Mustafi qasab ku dhaafiyey kubbad uu farihiisa ka dhex saaray.

Kulankan waxa uu u ahaa mid aad uga duwan ciyaartii xili ciyaareedkii hore Manchester United iyo Arsenal iskaga hor yimaaddeen oo De Gea ninka garoonka ugu fiican loo doortay markii uu badbaadiyey goolal faro badan oo Gunners ay guusha ku heli lahayd.

Sidaas oo kale, dhamaan kulamadii horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkii hore waxa ka dhashay 28 gool oo kaliya, laakiin xili ciyaareedkan oo 15 ciyaarood oo kaliya ay kooxuhu yeesheen, waxa shabaqiisa taabtay 25 gool, taas oo saddex kaliya ka yar dhamaan goolashiisa sannadkii hore.

Haddaba markii ay ciyaartu dhamaatay waxa baraha bulshada si weyn loogu jarjaray De Gea iyo bandhig ciyaareedkiisa liitay, waxaana ay isku raaceen jamaahiirtu inuu ahaa musiibo xidhan funaanaddooda oo halis geliyey.

Si kastaba ha ahaatee, waxqabadka goolhaye David de Gea ayaa marar badan ay Manchester United ku heshaa dhibco muhiim ah.

 

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Kkkkk laacib sxb waxad qortan ayad waydeen ee sumcada ha iska dilinina david degea shaki la aan waa gol haya ugu fcn yurub wakhti xadirkaan ama sanadihi danbeyey lkn idinkoo ciyaaro falaaqeyayal ah inad inad tagero ahaan wax ku falawaysaa waa sumcad daro ayay idin tahy golhayaha khalad kuma lahan golkii mustafi lkn markii ubamiyang u kubada ka save gareyey midna ka hadal ani tagero aan idin arkayaa lkn inad ciyaro ka hadlaysan uma jedi kkkkk kkkk

Comments are closed.