Jackson Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Casaankii Loo Taagay Kulankii Flamingo

Weeraryahanka Chelsea, Nicolas Jackson, ayaa si dadban raaligelin uga bixiyay casaankii tooska ahaa ee uu qaatay intii lagu guda jiray guuldarradii 3-1 ay kala kulmeen Flamengo ciyaartii Koobka Adduunka ee Naadiyada.

Jackson oo si murugo leh uga hadlay dhacdada ayaa sheegay inuu si qoto dheer uga xun yahay waxyeellada uu u geystay kooxdiisa.

Waxa uu yiri:

“Waxaan rabaa inaan raaligelin siiyo kooxda, shaqaalaha, saaxiibadayda, iyo taageerayaasha oo dhan. Waan idin khiyaamay. Waa casaankii kale ee aan qaato, waana ka caraysanahay naftayda.”

“Maalin walba waxaan u shaqeeyaa inaan caawiyo kooxda, mana doonayo inaan xaaladahan keeno. Uma fahmin si buuxda sida ay u dhacday, balse hal shay ayaa cad: ma aanan damacsaneyn. Waxay ahayd dhacdo kubadeed oo qaldantay.”

“Ma jirto marmarsiiyo. Mas’uuliyadda aniga ayaa iska leh. Waan ka fikiri doonaa, waan isbedeli doonaa, waxaana kusoo laaban doonaa si ka xoog badan sidan.”

Jackson ayaa ku celceliyay ereyga “sorry” isagoo muujinaya sida ay uga dhab tahay xanuunka dhacdadaas. Taageerayaal badan oo Chelsea ah ayaa muujiyay taageeradooda, iyagoo rajo ka qaba inuu kusoo laabto sidiisii hore.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football