Iska ilow Ronaldo & Bale: Daawo Lucas Torrier Oo Dhaliyay Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Xilli Ciyaareedkan, Maqas Ayuu Si Cajiib Ah U Dhaliyay

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Lucas Torreier ayaa xaday indhaha taageerayaasha kooxda Arsenal iyo waliba kuwa premier league kadib kulankii Huddersfield.

Xiddiga reer Urugauy ayaa dhaliyay gool indha qabatin leh kulankii ay kooxdiisu guusha dirqiga ah ka gaadhay kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsanaa premier league.

Torriera ayaa gool maqas ah oo cajiib ah waliba indha qabatin leh ka dhaliyay kooxda Huddersfield Town daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta isaga oo Gunners ku hogaamiyay guul qaali ah Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan