Iska Illow Ronaldo Iyo Messi, Ancelotti Oo Magacaabay Laacibkii Ugu Saameynta Badnaa Taariikhda Kubadda Cagta

Tababaraha xulka qaranka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa u magacaabay halyeygii reer Brazil ee Pele, ciyaaryahanka ugu fiican abid (GOAT).

Ancelotti wuxuu aaminsan yahay in Pele uu mudan yahay kaalinta koowaad, isagoo ka horeeysiiyay Lionel Messiga Inter Miami iyo Cristiano Ronaldaha Al Nassr.

Isagoo la hadlayay CONMEBOL dhowaan, Ancelotti ayaa yiri (sida laga soo xigtay BolaVIP):

“Si rasmi ah uma oran karo, maadaama Pele uu ka tirsanaa jiil kale.

“Waxa uu Pele ku guuleystay intii uu ciyaarayay, gaar ahaan koobabkii adduunka ee uu qaaday, waxay ahaayeen wax aan caadi ahayn.

“Ciyaartoyda kale waxay ahaayeen kuwo cajiib ah. Lagasoo bilaabo Ronaldo, oo aan nasiib u yeeshay inaan tababaro, ilaa Messi, oo aan si fiican u arkay, iyo kuwa kale oo dhan.

“Laakiin way adagtahay in la kala saaro. Marka la eego waxa uu gaadhay intii uu ciyaarayay, waxaan aaminsanahay in Pele uu mudan yahay kaalinta koowaad.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football