Isbedello Cusub Oo Lagu Wado Inay Ka Hirgalaan Premier League Xilli Ciyaareedka Soo Socda

Wargeyska Ingiriiska ah ee The Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in horyaalka Premier League uu qorsheynayo inuu hirgeliyo isbeddello waaweyn oo ku saabsan sida ciyaaraha loo baahiyo xilli ciyaareedka cusub.

Qodobbada ugu waaweyn ee isbeddelladan waxaa ka mid ah;

Wareysiyo lala yeelanayo ciyaartoyda la beddelay iyadoo ay ciyaartu weli socoto, iyaga oo taagan agagaarka garoonka.

Suxufiyiin iyo sawir-qaadayaal ka socda shirkadaha baahinta ciyaaraha (Sky Sports & TNT Sports) ayaa loo oggolaan doonaa inay soo galaan gudaha garoonka si ay u duubaan muuqaallo dhow xilliga dabaaldegyada goolasha.

Galitaanka qolalka labiska ayaa si xaddidan loo oggolaan doonaa, hase yeeshee waxaa laga mamnuuci doonaa in la duubo shirarka farsamada ee tababarayaasha iyo ciyaartoyda.

Wargeysku wuxuu sheegay in isbeddelladan ay qayb ka yihiin heshiiska cusub ee xuquuqda baahinta ciyaaraha oo qiimihiisu dhan yahay £6.7 bilyan oo gini muddo afar sano ah, kaasoo lala gaaray shirkadaha Sky Sports iyo TNT Sports.

Ujeedada Isbeddelladan:

Kor u qaadista tayada iyo xiisaha baahinta tooska ah ee ciyaaraha Premier League.

La jaanqaadidda horumarka caalamiga ah ee baahinta ciyaaraha, iyadoo la daynayo tusaalayaasha horyaalada Mareykanka sida NBA iyo NFL.

Sidee loo hirgelin doonaa?

Isbeddelladan waxaa loo hirgelin doonaa si tartiib-tartiib ah iyo qaab kooban.

Koox kasta oo marti loo yahay xilli ciyaareedkiiba waxaa laga filayaa in kaliya laba kulan laga oggolaado wareysiyada ciyaartoyda la beddelay iyo galitaanka qolka lebiska.

Waxaa jiri doona isku-duwid joogto ah oo u dhaxaysa kooxaha iyo maamulka horyaalka si loo hubiyo in wax walba u dhacaan si nidaamsan oo waafaqsan shuruucda la isla meel dhigay.

Isbeddelladani waxay astaan u yihiin xilli cusub oo Premier League ku talaabsanayo si uu u noqdo mid la jaanqaada baahinta casriga ah ee dunida oo dhan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football