Isbeddel Culus! IFAB Oo Ku Dhawaaqday Xeer Rigoore Oo Cusub Kaddib Fadeexaddii Álvarez!

Guddiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kubadda Cagta (IFAB) ayaa si rasmi ah u shaaciyay isbeddel lagu sameeyay xeerka rigoorada ee la xiriira taabashada labaad, waxaana isbeddelkan dhaqan geli doonaa laga bilaabo 1-da Luulyo, 2025.

Go’aankan ayaa yimid kaddib muran weyn oo dhashay markii Julián Álvarez uu si aan ula kac ahayn laba jeer u taabtay kubad rigooro ahayd ciyaartii wareegga 16-ka ee Champions League oo ay la ciyaarayeen Real Madrid.

Waa maxay waxa is beddelay?

Haddii ciyaaryahanka si kama’ ah laba jeer u taabto kubadda rigoorada: kadibna kubaddu gasho shabaqa, rigoorada waa lagu celinayaa.

Haddii aysan gelin goolka, rigoorada waxaa lagu beddelayaa laad xor ah oo si dadban loo dhigayo.

Haddii ciyaaryahanku si ula kac ah laba jeer u taabto kubadda: markaas toos ayaa loo siinayaa laad dadban kooxda difaaceysa, ama rigoorada waxaa loo tirinayaa mid la seegay haddii la joogo marxaladda rigoorooyinka (penalty shootout).

Xeerkii hore wuxuu si toos ah u tilmaamayay in haddii kubadda laba jeer la taabto, rigoorada la seegay – iyadoon loo eegin haddii taabashadaasi ahayd mid ula kac ah ama kama’ ah.

IFAB ayaa sheegtay in isbeddelkan uu doonayo in la keeno caddeyn iyo cadaalad marka ay dhacaan xaalado la mid ah tii Julián Álvarez, si aysan kooxuhu u noqon kuwa ku dhibban jahwareer xagga xeerarka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football