“Isaga Ayaa I Daba Orda” Haweeney Aflaamta Galmada Sameysa Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Lamine Yamal

Atariishada filimada galmada ee 29-jirka ah Claudia Bavel ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka la xiriirinaya Lamine Yamal. Arintan ayaa soo ifbaxday kadib markii Yamal uu barnaamijka TardeAR ka sheegay: “Aniga ayaa diiday inaan kulanno… weligay ma arag iyada,” isagoo ku adkaystay: “Wax dumar ah ma galaan gurigayga sababtoo ah waxaan la noolahay hooyaday.”

Bavel ayaa si degan oo xushmad leh uga jawaabtay:

“Tan iyo markii Lamine uu si dadweyne ah uga hadlay arintan, waxaan dareemay inay muhiim tahay inaan iftiimiyo aragtidayda – si cad iyo si ixtiraam leh.”

Waxay sheegtay in Yamal uu ahaa qofkii horey u raadinayay xidhiidhkeeda: “Isaga ayaa wakhti badan geliyay si uu igula soo xiriiro.wuxuu marar badan doonayay inaan is aragno. Waxaan isku aragnay xaflado dhowr ah.” Si cad ayay u beenisay inay xiriir la yeelatay ilmo yar: “Weligay ilmo yar xiriir lama yeelan xitaa kulan qorsheysan.”

Labada waxay ka dhawaajiyeen hal arrin: Meynan kulmin, xiriir toos ahna ma dhicin. Si kastaba, Bavel waxay ka cabatay aflagaado dadweyne oo ay la kulantay: “Fadlan ha la joojiyo farriimaha aflagaadada ah iyo been abuurka.”

“Dad ayaa ka dambeeya wararka, waxaa jira dad,” ayay tiri. “Fadlan inoo muujiya xushmad iyo degenaansho.”

Arrintan ayaa baraha bulshada kicisay, iyadoo muujisay cadaadiska ay la kulmaan dadka caanka ah, gaar ahaan kuwa da’da yar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football