Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa bishii hore markiisii afaraad ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ah ee Sir Matt Busby Player of the Year, taas oo la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican kooxda xilli ciyaareed kasta. Abaalmarintan guusheeda ayaa imanaysa iyadoo Bruno dhowaan si geesinimo leh u diiday dalab lacageed oo weyn oo kaga yimid kooxda ka dhisan horyaalka Sacuudiga.
Manchester United ayaa soo saartay muuqaal gaar ah oo lagu xusayo waayihiisa kooxda, waxaana ugu horreyn erayo dhiirrigelin ah ka jeediyay saaxiibkiis Casemiro.
“Bruno waa wadnaha kooxda,” ayuu yiri Casemiro.
“Kooxda waxay ciyaartaa sida uu isagu u ciyaaro oo uu rabo. Haddii uu rabo inay weerar u dhaqaaqdo ama ay kubadda hayso, kooxda wuu hagi karaa. Waa ciyaaryahanka ugu muhiimsan gaar ahaan marka weerarka la eego.”
“Waa kan goolasha ugu badan dhaliya, caawinta ugu badan sameeya, halista ugu badan qaata. Wuxuu bixiyaa 100% dadaal. Mararka qaar wax walba si fiican nooguma dhacaan, balse Bruno mar walba wuu isbixiyaa.”
Casemiro ayaa sidoo kale yiri:
“Waa inaan ku raaxeysanaa ciyaartiisa. Waan jeclahay inaan la ciyaaro. Waa sharaf inuu agteyda ka ciyaaro. Wuxuu dhaliyaa goolal, wuu difaacaa, weerar buu qaadaa. Waa wejiga United.”