“Inaad Noqoto Tababaraha Chelsea Waa Howl Adag” Maresca Oo Durba Ka Qoomameynaya Shaqada Chelsea

Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa si furan uga hadlay cadaadiska kooxda saaran kahor kulankooda adag ee Koobka Adduunka ee Naadiyada ee ay la ciyaarayaan Esperance.

“Markaad tahay tababaraha Chelsea, mar walba waxaad ku saaran cadaadis, waana isku dayi doonaa inaan sida ugu fiican u ciyaarno,” ayuu yiri Maresca.

Tababaruhu wuxuu si gaar ah u amaanay adkeysiga iyo tartanka adag ee Esperance:

“Waxaan daawaday labadoodii kulan, sidoo kale waxaan daawaday ciyaaro ka tirsan horyalkooda… xitaa marka ay la ciyaarayeen Flamengo, ciyaarta kama aysan bixin illaa daqiiqadihii ugu dambeeyay.”

“Shaki kuma jiro, waxay noqon doontaa ciyaar adag. Taageerayaashu waa muhiim, laakiin ugu dambeyn ciyaartoyda ayaa garoonka ku dagaalami doona,” ayuu raaciyay Maresca.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football