Ilo Ku Dhaw Manchester United Oo Ka Hadlay Wararka Xanta Ah Ee La Xiriirinaya Tababarahii Real Madrid Iska Casilay Ee Zinedine Zidane.

Wariyaha waqooyiga Ingiriiska uga soo warramaya Telegraph [James Ducker] ayaa ka warbixiyay sida ilo aan la magacaabin oo u dhaw Manchester United uga jawaabeen wararka xanta ah ee la xiriirinaya iney la xiriireen Zinedine Zidane si uu badal ugu noqdo Jose Mourinho.

Macalinka reer Portugal ayaa haatan ku jira xaalad adag oo cadaadis leh maadaama ay kooxda bilowgii ugu xumaa tan 2014 sameysay kulamada horyaalka, waxaana soo baxay warar sheegaya in macalinka uu ku jiro maalmahii ugu dambeeyay shaqadiisa Old Trafford.

Mourinho sanadka saddexaad waa u habaar maadaama dhawr jeer uu ku fashilmay inuu gudbo, sidoo kalana ciyaartoyda kooxda ayuu dagaal kula jiraa taasoo dhalisay dhibaatada ay kooxda la kowsatay, intaas waxaa sii dheer in shalayto uu ciyaartoyda hortooda ku canaantay Alexis Sanchez ka hor inta uusan ka reebin safka West Ham sida ay warbixinada Ingiriiska ka imaanaya sheegeen.

Si kastaba James Ducker wuxuu baahiyay in ilaha ku dhaw Man United ay beeniyeen wararka xanta ah ee sheegaya iney maamulka Red Devils la xiriireen Zinedine Zidane si uu badal guuleysta ugu noqdo Jose Mourinho.

Zidane xor ayuu u yahay inuu qabto shaqada Man United hadii loo soo bandhigo, wuxuuna bartamahii sanadkaan ku dhawaaqay inuu iska casilay shaqada kooxda Real Madrid, 2-sano iyo bar guulo waaweyn leh ayuuna kooxda caasimadda la qeybsaday.

Sida warbaahinta qaar ay qorayaan Mourinho wuxuu halis ugu jiraa in la ceyriyo, balse Telegraph waxey baahisay in Jose uu taageero ka heysto waqtigaan Ed Woodward oo ah madaxa fulinta kooxda kaas oo ay isku dhaceen intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Dhanka kale Rio Ferdinand wuxuu aaminsan yahay in la joogo waqtigii ay kooxda qaadan laheyd go’aan weyn oo kooxda wax ka badala, wuxuuna qaba iney kooxda ku bilaabatay sidii ugu xumeyd taariikhda marka dhan walba laga qiimeeyo.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Mar hadi adigo 7game ciyaray ad lumiso 11 point ya is garay Octoberna 10 kale ka firsha siday aniga ila tahay united ma garacu karto newcasle velecia chelsea everton juventus c.blace man city mar aniga waxa ila quman I.mourinho in la badalo patatanba waa hadi loo bahanyahay teamku in uu hagago ila laga badalo moye I can not wach

  2. Wan kugu racsanhay sxb maxmed Abdi maclin Masha kuma hayan mn United ha iska badalan Pogba mar marsiyo halga dhiganin

  3. waa muhiim la casilaa jose maxa yelay kooxda meel
    xun ayuu garsiyay kooxihi yaryara ana tumaya wa
    xiligi Moyes oo kale wa in badal u qalma kooxda la kena sida
    Zidane oo kale

Comments are closed.