“Iib Ma Aha” Liverpool Oo Diiday Dalabkii Barcelona Ay Ka Gudbisay Luis Diaz

Kooxda Liverpool ayaa si cad u sheegtay in weeraryahankooda reer Colombia, Luis Díaz, uusan iib ahayn, iyagoo iska diiday isku daygii ugu dambeeyay ee Barcelona ay ku doonaysay inay kula soo wareegto.

Inkasta oo kooxo dhowr ah ay xiiseynayaan Díaz – oo ay ku jirto Al Nassr oo horay loo sheegay inay yihiin kooxda ugu dhow saxiixiisa – haddana Liverpool waxay go’aansatay inay ciyaaryahanka sii haysto.

Díaz oo 28 jir ah ayaa xilli ciyaareed fiican la qaatay kooxda, isagoo dhaliyay 13 gool oo horyaalka Premier League-ga, taasoo soo jiidatay kooxo waaweyn.

Barcelona, oo muddo indhaha ku haysay Díaz, ayaa la sheegayaa inay tahay kooxda uu doorbidayo. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciyaaryahanku horay ula heshiiyay kooxda reer Spain, isla markaana uu sameynayo dadaal kasta si uu ugu biiro Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool weli waxay ku adkeysanayaan mowqifkooda, mana jirto wax calaamad ah oo muujinaysa iibin tiisa marka laga reebo dalab aad u weyn oo loosoo gudbiyo Liverpool. Haddii ay taasi dhici weydo, Díaz wuxuu sii joogi doonaa Anfield.

Xitaa haddii uu mustaqbalka si xor ah uga tago, Liverpool hadda ma dooneyso inay iibiso.

Haddii uu u wareego Barcelona, wuxuu noqon karaa mid si fiican ugu habboon qaab ciyaareedka kooxdaas, maadaama uu leeyahay xawaare, xirfad iyo hal-abuur. Inuu u wareego horyaalka Sacuudiga xilligan waxay noqon lahayd tallaabo dib u dhac ah oo uu ku sameeynayo xirfadiisa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football