Hordhac: Man City v Man United – Guardiola v Mourinho – Falanqeyn Dhameystiran Oo Ku Saabsan Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Manchester Derby

Labada kooxood ayaa isbuucaan waxa ay calanka Premier League si fiican uga luleen Champions League, laakiin calankee ka baban doona magaalada Manchester marka ay labada kooxood kulmaan?

City ayaa xasuuqday Shakhtar haddii ay u ciyaaraan qaabkii ay u dheeleen kulankii Champions League markaas waxaa macquul ah inay gaaraan guushoodii ugu horeysay ee Manchester Derby ee gurigooda ee muddo afar kulan.

Wax walba uu qorshaha United yahay, waa qasab inay qeyb ka tahay inay ciyaarta u soo jeedaan taasoo dhibaato ku aheyd inta badan kooxihii soo booqday xilli ciyaareedkan.

Iyadoo United ay dhawaanahaan soo laabasho cajiib ah sameyneysay, lama filan karo inay dhacdo waqti walba, Pep Guardiola ayaana hubin doona inaysan taasi ku dhicin mar kale ka dib kulankii April ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Kooxdiisa waa mid cajiib ah waqti xaadirkaan halka Special One uu dib u helay burhaantiisa, waxaana uu raadinayaa inuu kulan special ah helo sida aan dhamaanteenba dooneyno.

MAXAA KA CUSUB?

Manchester City ayay u badan tahay inay dib ugu soo yeeran doonto shaxdeeda xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda ee Sergio Aguero kaasoo ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Champions League ee ay habeenkii Arbacada xasuuqeen Shakhtar Donetsk.

Kevin de Bruyne, Eliaquim Mangala iyo goolhaye Claudio Bravo ayaa dhaawacyo kaga maqan kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa tijaabo marsiin doonto Romelu Lukaku kaasoo dhaawac aan la sheegin nooca uu yahay ku seegay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.

United ayaa sidoo kale qiimeyn doonta xaalada Paul Pogba kaasoo seegay tababarkii Jimcaha iyadoo la rumeysan yahay in dhaawac yar uu qabo.

Diogo Dalot ayaa la maqan dhaawac soo gaaray markii lagu maqnaa kulamada heerka caalami, halka kabtan Antonio Valencia uu soo laabtay isagoo qeyb ka ahaa kooxdii u safartay Talyaaniga ee ka soo badisay Juventus.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Fool ka Fool

Manchester United ayaa markii labaad waxa ay labo kulan oo isku xigta horyaalka ku badin kartaa garoonka Etihad Stadium. Markii kale ay sidaasi sameeyeen waxay aheyd xilli ciyaareeydadii 2008-09 iyo 2009-10.

City ayaa badisay labo ka mid ah sideed kulan oo ay ka horyimaadeen Manchester United tartamada oo dhan (2 barbaro, 4 guuldarro) tan iyo markii ay afar guul oo isku xigta ka gaareen intii u dhaxeysay 2013 iyo 2014.

Red Devils ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Etihad Stadium, labo ka mid ah waa ay badiyeen halka kulanka kale uu ahaa barbaro, waxaana ay shabaqa ilaashadeen labo kulan oo ka mid ah.

Manchester City

Tan iyo markii laga badiyay kulankii Manchester Derby ee bishii April, Manchester City waxa ay 25 dhibcood ka heleen 9 kulan oo ay Etihad Stadium ku ciyaareen horyaalka iyagoo mudadaas dhaliyay 32 gool, waxaana laga dhaliyay kaliya afar gool.

Pep Guardiola waligiis hal koox kagama aysan badinin labo kulan oo isku xigta oo garoonka kooxdiisa lagu ciyaaray.

Aguero ayaa dhaliyay todobo gool todobadii kulan ee ugu horeysay ee uu horyaalka ka horyimid Man United laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto sedexdii kulan ee ugu danbeysay.

Raheem Sterling waa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto dhamaan 12kii kulan ee uu ka horyimid Manchester United horyaalka Premier League inkastoo uu wadar ahaan helay 19 darbo.

Manchester United

United kaliya hal kulan oo Premier League ah ayay shabaqa ilaashatay xilli ciyaareedkan, waxaa laga dhaliyay 18 gool 11kii kulan ee ay dheeleen. Waxa ay ku qaadatay ilaa iyo 31 Janaayo iyo 25 kulan in goolashaan oo kale laga dhaliyo xilli ciyaareedkii hore.

Red Devils ayaa badin karta kulankii seddexaad ee isku xigta horyaalka markii ugu horeysay tan iyo markii ay shan kulan oo isku xiga badiyeen xilli ciyaareedkii hore oo ay ku jirtay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen City ee Etihad Stadium.

Kulankaan waxa uu noqon doonaa kulankii 300aad ee Premier League ee tababare Jose Mourinho. Waxa uu badiyay 189 kulan, waxa uu barbaro galay 67 kulan, waxaana laga badiyay 43 kulan.

Gool uu dhaliyo Juan Mata ayaa ka dhigeysa ciyaaryahankii shanaad ee Isbaanish ah ee gaara 50 gool horyaalka Premier League.

XOGTA KULANKA:

Man City v Man Unite

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Anthony Taylor

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City (4-1-4-1): Ederson; Walker, Stones, Laporte, Mendy; Fernandinho; Sterling, David Silva, Bernando Silva, Leroy Sane; Sergio Aguero

Man United (4-3-3): De Gea; Luke Shaw, Lindelof, Chris Smalling, Ashley Young; Herrera, Nemanja Matic, Paul Pogba; Martial, Alexis Sanchez, Jesse Lingard

WARARKA KALE EE LA XIRIIRA MANCHESTER DERBY:

7 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. guusha United baan la jecelahay mar wlba wxn kaso horjeeda city Chelsea guushooda waaayo Wxaan ahy taagere Liverpool

Comments are closed.