Hordhac: Chelsea vs Man City – Sarri Oo Guushii Ugu Horreysay Ka Raadinaya Guardiola & Shaxda Macquulka Ah Ee Kulanka Caawa.

Man City ayaa caawa marti ku ah garoonka Stamford Bridge waana kooxda kaliya ee ay koox walba dooneyso in la garaaco maadaama aan wali laga adkaan horyaalka sidoo kalana ay si awood leh ku heyso hogaanka horyaalka.

Maurizio Sarri wuxuu raadinayaa guushii ugu horreysay inuu ka helo dhigiisa Pep Guardiola, inkastoo uu ka jawaabi waayay su’aal ay weydiiyeen saxaafadda Ingiriiska oo aheyd sida looga adkaan karo macalinka reer Spain.

“Ma garanayo sida loo garaaco Pep Guardiola” ayuu yiri Maurizio Sarri, wuxuuna doonayaa inuu markiisii ugu horreysay guul ka gaaro.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Manchester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA DHINAC?

Weeraryahanka ugu goolasha badan Citizens Sergio Aguero ayaa la filayaa inuu seego kulanka ay caawa kooxdiisa ciyaareyso, wuxuuna noqonayaa kulankii 3-aad oo uu seegayo iyadoo Jesus laga yaabo inuu hogaamiyo weerarka.

Raheem Sterling iyo Aymeric Laporte ayaa dib ugu soo laaban doona safka hore Guardiola kuwaas oo kursiga keydka la dhigay ciyaartii Watford.

Kevin de Bruyne, Kompany iyo Zinchenko ayaa shaki la galinaayaa.

Jorginho iyo David Luiz oo kulankii Wolves la nasiyay ayaa kusoo bilaaban kara kulanka caawa, halka Kovacic uu dhexda soo gali doono isagoo kala wareegi doona Loftus-Cheek.

Lama oga sida uu u ala dooran doono Giroud iyo Morata, iyo sidoo kale William iyo Pedro.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Waa markii labaad oo ay labadaan kooxood kulmayaan fasal ciyaareedkaan, waxey ku kulmeen final-ka koobka Community Shield markaas oo ay Citizens 2-0 ku badisay.

Man City ayaa guul gaareysay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyay oo ay labada kooxood isku wajaheen tartamada oo dhan, waxaana ku jirta min 1-0 ay labadii lug ee fasalkii hore kaga badiyeen, waxeyna fursad u heystaan iney caawa markii ugu horreysay ebid taariikha afar jeer oo isku xigta garaacaan kooxda reer London.

Chelsea ayaa guuldareysatay laba ka mid ah saddexdii ciyaarood oo ay gurigooda ku soo sooreen dhigooda Citizens kulamada horyaalka, waana in la mid ah intii ay kala kulmeen 18-kii ciyaarood ee ka horreeyay tartanka horyaalka, guul ay gaarto caawa waxey kaga dhigan tahay Citizens iney laba kulan oo xiriir ah Stamford Bridge kusoo badisay kulamada horyaalka heerka koowaad markii ugu horreysay tan iyo January 1955.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea: 

Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Kante, Jorginho, Loftus-Cheek; Pedro, Giroud, Hazard

Manchester City:

Ederson; Walker, Otamendi, Laporte, Delph; Gundogan, Fernandinho, Bernardo; Mahrez, Jesus, Sterling

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.