Hojlund Oo Go’aan Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Man United

Weeraryahanka reer Denmark, Rasmus Højlund, ayaa wali doonaya inuu sii ahaado ciyaaryahan Manchester United ah xilli ciyaareedka dambe, sida ay werisay The Athletic. Inkasta oo warar badan ay la xiriirinayaan inuu ka tagi karo Old Trafford xagaagan, haddana Højlund ayaa lagu soo waramayaa inuu doorbidi karo inuu sii joogo kooxda.

Kooxda Inter Milan ayaa si gaar ah u xiiseynaysa saxiixa 21-jirkan, balse laacibka ayaa doonaya inuu sii wato waayihiisa Red Devils, halkaas oo uu laba xilli ciyaareed gudahood ku dhaliyay 26 gool dhammaan tartamada.

Dhanka kale, Manchester United ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub oo heer sare ah, si loo buuxiyo booska No.9 ee gooldhalinta – boos aan si buuxda looga soo muuqan xilli ciyaareed kaan.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in Hugo Ekitike uu yahay weeraryahanka ugu dhow ee lala xiriirinayo United, kaddib markii Viktor Gyökeres uu sheegay in uu doorbidayo inuu aado koox kale.

Haddaba, inkasta oo United ay raadineyso weeraryahan cusub, Rasmus Højlund wali ma quusan, waxaana uu rajo ka qabaa inuu qayb ka noqdo mustaqbalka kooxda uu hadda matalo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football