Halyeeyga Arsenal, Thierry Henry, ayaa kooxdiisii hore u soo jeediyay inay xagaagan la saxiixdaan weeraryahan cusub si ay u xoojiyaan safkooda, kaddib markii ay ku dhammaysteen xilli ciyaareedka 2024/25 iyagoo aan ku guuleysan wax koob weyn ah.
Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa la xiriirtay weeraryahanno ay ka mid yihiin Viktor Gyokeres, Victor Osimhen, iyo Liam Delap.
Si kastaba ha ahaatee, Henry waxa uu xusay in weeraryahanka uu aad u jecel yahay waqtigan uu yahay Julian Alvarez, oo haatan u ciyaara Atletico Madrid, kuna taliyay in Arsenal ay isku dayaan inay lasoo saxiixdaan.
“Waxaan u baahannahay weeraryahan. Mid ka mid ah weeraryahanada aan ugu jecelahay waqtigan waa Julian Alvarez,” ayuu Henry ku yiri barnaamijka The Overlap’s Stick to Football.
“Wuxuu awoodaa inuu cadaadis saaro, kubbada celiyo, ama rigoore toogto. Free-kick-giisii u dambeeyay ma aragtay? Isagu wuxuu hayaa awood uu kaligii kubbada ku haysto.
“Wuxuu ciyaaray Olympic-ka iyo Copa America, mana maqlin isagoo leh waan daalay. Waan jeclahay sida uu u ciyaaro.
“Laakiin ma suurtagal baa in Arsenal ay la saxiixato? Taasi lama hubo,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.