Hazard Oo Aadaya Madrid, Neymar Oo Jecel Premier League & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ee aan ka soo uruurinay wargeysyada Yurub ka soo baxa saaka oo Khamiis ah.

Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha Janaayo iyadoo kooxaha Yurub la filayo inay soo iibsadaan xiddigo ay isku sii xoojiyaan inta ka harsan xilli ciyaareedka, halka kooxaha qaar ay isha ku hayaan xiddigo ay doonayaan xagaaga danbe, waxaana maalin walba idiin soo gudbin doonaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa.

Xaquuqda wararka ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga waxaa iska leh warbaahinta ku hor qoran.

Real Madrid ayaa dhigeeda Chelsea kala heshiisay adeegga xiddiga reer Belgium Eden Hazard, 27-jirkaan waxaa la filayaa inuu xagaaga dambe gaaro Santiago. (Onda Madrid)

Weeraryahanka Paris Saint Germain Neymar Junior oo 26-jir ah ayaa ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa mar inuu ka ciyaaro Premier League. (Youtube)

Tababare Unai Emery ayaa jeclaan lahaa 15 Malyan oo Pound inuu bisha January kusoo qaato xiddiga weerarka kaga ciyaara Club Brugge Wesley Moraes, Fiorentina iyo Valencia ayaa 22-jirkaan sidoo kale xiiseynaya. (The Sun)

Madaxweynaha Lyon Jean-Michel Aulas ayaa doonaya inuu hagaajiyo mustaqbalka Nabil Fekir ka hor ciida masiixiga, 25-jirkaan wuxuu ku fashilmay inuu Liverpool ku biiro. (Le Progres)

Goolhayaha Paris Saint Germain Gianluigi Buffon ayaa ka dhawaajiyay in 31-jirka reer Uruguay Edinson Cavani uusan January ku laabaneynin Napoli. (FourFourTwo)

Weeraryahanka Paris Saint Germain Kylian Mbappe ayaa ka dhawaajiyay inuu kusoo dhaweyn lahaa 21-jirka reer Holland Frenkie de Jong garoonka Parc des Princess. (France Football)

Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta dhigeeda Napoli, waxeyna ka dooneysaa daafaca reer Albania Elseid Hysaj kaas oo 24-jir ah. (Calciomercato)

Inter Milan ayaa isku dayi doonta iney talyaaniga dib ugu soo celiso 29-jirka Man United Matteo Darmian xagaaga soo aadan. (Gazzetta dello Sport)

Man United ayaa isha ku heysa daafaca Galatasaray Ozan Kabak kaas oo lagu qiimeeyo 20 Malyan oo Pound, Inter, Roma iyo Arsenal ayaa sidoo kale xiiseynaya 18-jirkaan. (The Sun)