Harvey Elliot Oo Go’aan Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Liverpool

Xiddiga khadka dhexe ee weerarka Liverpool, Harvey Elliott, ayaa si cad u muujiyay in uu u furan yahay inuu ka tago kooxda xagaagan, isagoo ka walaacsan fursadaha ciyaareed ee uu helayo iyo horumarka xirfadiisa.

Elliott ayaa yiri:

“Ma doonayo inaan waayo sanooyin muhiim ah oo ka mid ah xirfadeyda, waayo waa xirfad gaaban. Mar walba ma ogid waxa dhici doona.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waa xaalad aan u baahanahay inaan dib uga fikiro. Waxaan u baahanahay inaan isweydiiyo haddii aan ku qanacsanahay waxa aan hadda samaynayo iyo sida aan horumar uga samayn karo ciyaaryahan ahaan.”

Markii la weydiiyay haddii uu ka tagi karo Liverpool: “Haddii horumarkeygu ku jiro meel kale, waa go’aan aan qaadanayo. Waxaan u baahanahay inaan arko waxa dhici doona. Laakiin waxba iguma qasbayo inaan tago – waxaan jeclahay kooxda, taageerayaasha iyo ciyaartoyda kale, waxaan ahay taageere Liverpool ah. Laakiin waxa ugu muhiimsan waa waxa ugu fiican xirfadeyda.”

Elliott ayaa bilowgii sanadkan sheegay inuusan ka fikireyn ka tagista Liverpool. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hadda si fiican u fahmay booskiisa kooxda tababare Arne Slot – isagoo kaliya labo kulan ku bilowday Premier League tan iyo markii horyaalka laga qaaday.

Waxaa muuqata in Elliott doonayo inuu ciyaaro waqti badan oo joogto ah, haddii aysan taasi ka jirin Liverpool, laga yaabo inuu raadsado koox kale oo uu ka helayo fursad buuxda oo horumarineed.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football