Harry Maguire ayaa aaminsan in kooxda Manchester United ay si weyn isu beddeli doonto xilli ciyaareedka dambe kadib suuqa kala iibsiga xagaaga ee mashquulka noqon doona.
“Wax badan ayaa isbedeli doona xagaagan gudaha kooxda,” ayuu yiri Maguire shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mumbai, Hindiya, halkaas oo uu u tegay arrimo xayaysiis.
“Ciyaartoy badan ayaa baxaya, waxaana rajeynayaa in ciyaartoy badan ay imaan doonaan.
“Waana masuuliyadda kooxda inay sameyso doorashooyin sax ah, annaguna ciyaartoy ahaan waa inaan xaqiijinno inaan qeyb ka nahay qorshaha cusub.”
Maguire laftiisu wuxuu u muuqdaa mid ka badbaaday iibka, maadaama uu horraantii sanadkan ku kordhiyey heshiiskiisa ilaa 2026.