Hansi Flick Oo Si Lama Filaan Ah Uga Hadlay Imaanshaha Alonso Ee Real Madrid

Tababaraha Barcelona Hansi Flick ayaa muujiyay qaddarintiisa uu u qabo ciyaartooyda waayo-aragga ah sida Luka Modric iyo Oscar De Marcos, sidoo kalena wuxuu si diirran u soo dhaweeyay imaanshaha Xabi Alonso oo noqon doona tababaraha cusub ee Real Madrid.

Flick oo hadlay kadib guushii kooxdiisa ee 3-0 ahayd ay kaga gaartay Athletic Club garoonka San Mames, wuxuu sheegay muhiimadda ay leeyihiin ciyaartoyda waaya-aragga ah ee ku dhow dhammaadka xirfadooda. “Da’daas si aad heerkan ugu ciyaarto, waxaad u baahan tahay maskax adag, anshax wanaagsan iyo xirfad sare,” ayuu yiri. “Waxaan u rajaynayaa guul — waxay wax badan u qabteen kubadda cagta, waxaana rajaynayaa in ay guul ka gaaraan cutubka xiga ee noloshooda.”

Tababaraha Jarmalka ah wuxuu sidoo kale amaan u jeediyay taageerayaasha San Mames, isagoo ku tilmaamay jawiga garoonka mid “cajiib ah” iyo taageerada loo muujiyay kooxda martida loo ahaa mid “aad u wanaagsan.”

Markii la weydiiyay Xabi Alonso, oo la filayo inuu qabto xilka tababarnimo ee Real Madrid kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay Bayer Leverkusen, Flick wuxuu si weyn u amaanay Alonso. “Waan la hadlay marar badan, waa tababare weyn,” ayuu yiri. “Wuxuu guulo waaweyn ka gaaray heerka ugu sarreeya Leverkusen, isagoo ciyaarsiinayay kubad soo jiidasho leh. Wuxuu sare u qaaday heerka ciyaartoy badan, waxaana ku faraxsanahay inuu imanayo La Liga.”

Hadallada Flick waxay muujinayaan ixtiraamkiisa uu u hayo jiilkii hore iyo rajo uu ka qabo mustaqbalka kubadda cagta Spain, iyadoo jiil cusub uu beddelayo mid hore.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football