Hansi Flick Oo Shirkiisa Jaraa’id Uga Hadlay Mustaqbalka Lamine Yamal Iyo Qorshihiisa Araujo

Hansi Flick ayaa la hadlay saxaafadda kahor kulanka Barcelona iyo Athletic Bilbao ee La Liga. Tababaraha ayaa ka hadlay arrimaha heshiisyada, dhaawacyada, iyo qorshayaasha ciyaartoyda xilli ciyaareedka dambe.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Lamine Yamal uu cusboonaysiin doono heshiiskiisa. Wuxuu jecel yahay inuu u ciyaaro Barca,” ayuu yiri Flick, isagoo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay mustaqbalka xiddiga da’da yar. Wadahadallo ayaa weli u socda kooxda iyo wakiilada ciyaaryahanka garabka ah.

Flick ayaa sidoo kale si cad u sheegay in Ronald Araujo uu qayb ka yahay qorshihiisa. “Waan ku xisaabtamayaa Araujo xilli ciyaareedka dambe. Wuxuu nagula jiraa heshiis, markaa maxaa diidaya? Waan ku faraxsanahay isaga. Waxaa sababtay in xilli ciyaareed adag uu la kulmo kadib dhaawacyo soo gaaray  iyo qaab ciyaareed wanaagsan oo ay muujiyeen Cubarsi iyo Inigo,” ayuu sii raaciyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football