Hansi Flick Oo Farriin Culus U Diray Xiddigaha Barcelona

Hansi Flick ayaa la hadlay Barca One kaddib markii uu dhammeystay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu tababare u noqdo Barcelona. Bishii hore ayuu saxiixay heshiis cusub oo soconaya illaa sanadka 2027.

Barcelona ayaa ku guuleysatay La Liga, Copa del Rey, iyo Spanish Super Cup intii uu hoggaaminayay tababaraha Jarmalka ah ee Flick xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay – wuxuu sameeyay guulo weyn oo soo laabasho ah kadib markii kooxda aysan wax koob ah ku guuleysan xilli ciyaareedkii hore.

Flick wuxuu yiri:

“Si adag ayaan u shaqeynaa, waxaanan isku dayeynaa inaan ciyaarno heerka ugu sarreeya – waana heerka Champions League. Waxaan sidoo kale rabnaa inaan hanano horyaalka. Ugu dambeyn, Barcelona mar walba waa sidaas – waa inaad koobab hanataa. Xilli ciyaareedkaygii ugu horreeyay, waxaan ku guuleysanay saddex koob, taasna waa arrin weyn.”

Tababaraha 60-jirka ah wuxuu cadeeyay waxa uu ka rabo ciyaartoydiisa garoonka:

“Waan ogahay in aysan sahlaneyn, balse ugu dambeyn waa inaan si adag u shaqeynaa. Waa inaan sidoo kale midnimo muujinaa, oo caddeynaa in aan nahay koox weyn – taas oo laga arki karo difaaca iyo weerarkaba. Taasi waa waxa aan doonayo inaan ku arko kooxdayda.”

Flick wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday waxa isaga ugu muhiimsan ee uu ka rabo kooxdiisa:

“Aniga ahaan, wax walba kuma saleysna in ay noqdaan kuwo qumman –  sidaas ayaan mar walba sheegaa. Waxa aan ka shaqeynayo waa horumar. Marka aan arko kooxda oo horumar gaareysa, oo hagaageysa, taas waa waxa aan doonayo. Caawinta ciyaaryahannada si ay u muujiyaan nooca ugu fiican ee naftooda ah – waana taas sababta aan halkaan u joogno.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football