Tababaraha cusub ee Barcelona, Hansi Flick, ayaa si cad u sheegay in da’yarka kooxda Lamine Yamal uu u baahan yahay inuu dheellitiro madadaalada iyo shaqada adag ee uu qabto, haddii uu doonayo inuu cimri dheer ku yeesho heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.
Flick ayaa ku tilmaamay Yamal “geesi” kubadeed, balse wuxuu uga digay in hibada kaligeed aysan ku filnayn horumar joogto ah.
“Haddii uu doonayo inuu 15-ka sano ee soo socda ka ciyaaro heerka ugu sarreeya, waa inuu si fiican u tababarto oo si maskaxiyan ah isugu diyaariyaa,” ayuu yiri Flick.
“Ma ahan wax walba madadaalo. Waxaa jirta shaqo adag oo la qabto. Ciyaaryahanada hibada leh waa inay taas fahmaan.”
Hadalkan ayaa imanaya xilli Yamal uu ku jiro fasax uu la qaadanayo Brazil saaxiibkiis hore ee kooxda Neymar Jr, waxaana muuqata in Flick doonayo inuu si degdeg ah u hago ciyaaryahanka si uu uga fogaado dabinada ay dhallinyaradu inta badan la kulmaan marka ay si degdeg ah u soo ifbaxaan.
Inkastoo uu amaanay tayada Yamal, Flick waxa uu xoogga saaray baahida uu u qabo shaqo joogto ah, anshax sare iyo diyaar garow maskaxeed si uu u noqdo xiddig waqti dheer ka mid ah kuwa ugu fiican caalamka.