Halyeeyga Reer Brazil Pele Oo Weerar Ku Qaaday Lionel Messi – “Sideed Igula Barbardhigteen Xiddig Hal Lug Ku Ciyaara”

Halyeeyga reer Brazil Pele ayaa si xun u weeraray xiddiga reer Argentina Lionel Messi kuna tilmaamay mid kaliya hal lug ku ciyaara isla markaasna aysan mudnaantu aheyn in isaga lala barbardhigo, 78-jirkaan ayaa lagu tixgeliyaa inuu ka mid yahay halyeeyada ugu sarreeya kubadda cagta.

Lionel Messi wuxuu ku guuleystay shan jeer abaalmarinta Ballon d’Or, balse waxyaabaha uu daciifka ku yahay waxaa ka mid ah inuusan badi kubadda u adeegsan lugtiisa midig iyo sidoo kale madaxa, waana tan ka careysiisay Pele.

“Sideed iskula barbardhigeysaan xiddig kubadda si fiican u madaxeeya, si fiican ugu tuuri kara lugta bidix iyo lugta midig iyo mid kaliya hal lug kubadda ku tuura, waa kaliya mid hal xirfad leh, kaas oo aan si fiican u madaxeyn karin kubada” ayuu yiri Pele oo la hadlayay Folha de Sao Paulo.

“Sideed iskula barbardhigeysaa? Inaad la barbardhigto Pele, oo ah qof si fiican kubadda ugu tuuri kara bidix iyo midig, sidoo kalana ku fiican madaxa”

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii Pele uu ka dhawaajiyay in Neymar Junior uu ka fiican yahay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Dhanka kale Neymar Junior wuxuu ka dhawaajiyay isagoo kasoo muuqday Youtube-ka inuu jeclaan lahaa ka ciyaarista Premier League.

“Ma garan karo sida ay berito u noqon karto, balse waxaan hubaa in xiddig walba oo weyn, ugu yaraan hal maalin ay tahay inuu ka ciyaaro Premier League” Neymar ayaa sidaas yiri xilli uu fariin usoo dirayay Benjamin Mendy.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Hahaha…. walahi kal iyo laap u qoslay😂😂 Waa runtiis. nin hal lug kliya ku ciyaara, isla markaasna hal qaab uun u gampiya, madaxna aanan iskuba dayin, xawaarihiisuna yaryahay, hogaamin iyo dhiirigalin aan lugu arag, sidee loola barbar dhigi karaa boqorka kubada cagta waa la yaab runtii.
    Messi waa xidiga ugu fican kubada casriga adduunka waqtiga. Balse la ma simi kartid kii ugu fiicnaa ee abid kubad laada.

Comments are closed.