Hala Iibiyo Mane, Ee Inoo Soo Iibiya Xiddigan- Taageereyaasha Liverpool Oo Dalbaday Xiddig Da’ Yar Oo Ay Ku Arkeen Xulka England

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dalbaday in kooxda laga diro xiddigaa reer Senegal ee Sadio Mane oo ay si xun u dhaliileen.

Sadio Mane oo xili ciyaareedkii hore qaab wanaagsan soo bandhigay ayaa fasal ciyaareedkan aan samaynin bandhiggii laga filayey, waxaana uu hoos uga dhacay dhinaca gool-dhalinta, caawinta iyo khatartii uu ku hayay kooxaha kasoo horjeedaba, iyadoo marar badan lagu dhaliilo inuu la ficiltamo laacibiinta ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo aanu kubbadaha siinin waqtiyada xasaasiga ah ee ay goolasha dhalin karayaan.

Inkasta oo marka ay iska garab ciyaarayaan Mane, Firmino iyo Salah ay yihiin weerarka saddexleyda ah ee ugu halista badan, haddana taageereyaasha ayaa soo bandhigay in aanay ku qanacsanayn qaab-ciyaareedka Mane ee xili-ciyaareedkan oo ay ula ekaatay inuu hoos u dhac ku yimid, waxaana iyagoo adeegsanaya baraha bulshada ay dalbadeen in si degdeg ah loo iibiyo.

Jamaahiirtii Reds ee daawaday ciyaartii England ay 3-0 kaga adkaatay Maraykanka Khamiistii, ayaa waxay ku andacoodeen inuu jiro ciyaartoy ka wanaagsan oo ay heli karayaan, waxaanay tababare Klopp u sheegeen inuu qaato go’aan adag oo ah inuu iibiyo Mane, kaddibna lacagta uu ka helo uu kusoo iibiyo ciyaartoy u dhashay waddanka Ingiriiska oo da’ ahaan aad uga yar Mane balse ciyaartiisu indhaha soo jiidatay.

Daqiiqaddii 78-aad ee ciyaartii England iyo Maraykanka ayaa waxa garoonka soo galay wiilka da’da yar ee Jadon Sancho  oo ka tirsan Borussia Dortmund, waxaana intii aanay dhamaaninba si buuxda ugu qancay taageereyaasha Liverpool oo markiiba baraha bulshada ka bilaabay olole ay kaga dalbanayaan kooxdooda in loosoo iibiyo marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoygu, waxaanay sidoo kale u tilmaameen halka laga keenayo lacagta ay Borussia Dortmund ku xidhi doonto oo dhan 100 milyan oo Gini.

Mar kaliya ayaa waxa baraha bulshada qabsatay farriintan: “Iibiya Mane oo £100 milyan noogu keena Sancho.” iyo farriin kale oo ahayd: “LFC waxay si degdeg ah ugu baahan tahay Sancho.”

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah farriimihii jamaahiirta Liverpool u direen kooxdooda:

 

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Hal qof ayaa qortay Mane halagu badalo waxaana dhihi karna waa qof cunsuri ah ama taageero Liverpool aheyn lakiin aniga taageero ahaan Lfc ah qofne kuma badashen Mane sanadkan qofta liito maaha Mane ee Firmino asiga mala dhaliilo viva Lfc.

Comments are closed.