“Hadii Ay TV-ga Ka Socoto Ciyaarta El-Clasico Ee Real vs Barca – Waxaan Ka Doorbidi Lahaa Daawashada Golf-ka”

Kooxda Boca Junior ayaa siisay Carlos Tevez fursad uu dib ugu soo laabto magaalada Buenos Aries kadib markii uu waqti aan wanaagsaneyn kusoo qaatay horyaalka China, balse xiddigaan heerka caalami sinaba uguma raaxeysto inuu daawado ciyaaraha kubadda cagta.

Taageerayaal badan ayaa kusoo raaxeystay daawashada waqtigii wacnaa ee Carlos Tevez kaas oo in ka badan 10-sanadood kasoo ciyaaray qaaradda yurub, balse wuxuu ka dhawaajiyay inuusan waligiis noqon doonin taageero kubadda cagta isla markaana uusan jecleyn inuu daawado.

“Hadii Barcelona iyo Real Madrid ay wada ciyaarayaan, balse TV-ga kale ay ka socoto ciyaar Golf ah oo si toos ah u socota, waxaan dooran lahaa inaan daawado ciyaarta Golf-ka” ayuu yiri Carlos Tevez oo wareysi siinayay Clarin.

“Kama daawado ciyaaraha Tv-ga”

“Kama helo kubadda cagta, waligey ma noqonayo taageere kubadda cagta ah, waxaan si fudud u jeclahay inaan ciyaaro isla markaana aan kubadda ku heysto lugta”