Hadda Waxaynu Ognahay In Florentino Perez Uu Ballon d’Or Kula Tartamayay Lionel Messi- Isma Dhibe Ibrahimovic Oo Muran Kale Abuuray.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ah xidiga kaliya ee kubbada cagta ee ku hadli kara waxa uu doono isla markaana aan eedayn badan kula kulmin maadaama oo uu aduunka caan kaga noqday in uu qaab kaftan ah balse ah waxa uu aaminsan yahay uu saxaafada uga hor sheego si badheedh ah oo waliba ay isla wayni ku jirto.

Hadalada caanka noqday ee  Zlatan Ibrahimovic looga diwaan galiyay kubbada cagtu waa kuwo aan tiro lahayn, laakiin markale waxa uu sii waday in uu arimaha uga hadlo qaab gabi ahaanba ka duwan ciyaartoyda iyo khabiirada kubabda cagta maadaama oo aanu muujin wax qarsoodi ah ama gabasho ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa markan sheegay in madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu ahaa shaqsiga ka danbeeyay abaal marinihii  Ballon d’Or ee ku soo guulaystay maadaama oo markii uu baxay uu haddana Luka Modric noqday xidiga kale ee abaal marintan ku guulaystay wuxuuna Ibra ku kaftay in Perez uu ahaa shaqsigii Lionel Messi kula tartamayay Ballon d’Or.

Inkasta oo Zlatan Ibrahimovic uu hadalkiisa u dhigo qaab maad ama kaftan ah, haddana waxay ka turjuntaa waxa uu si dhab ah u aaminsan yahay laakiin arintan uu sheegay waa mid aanu kali ku ahayn oo ay xataa jamaahiir badan oo kubbada cagta ahi ay walaac ka muujiyeen.

Qaar ka mid ah warbaahinta Spain ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo laftiisu uu aaminsan yahay in Perez uu ahaa shaqsigii sanadkan ka danbeeyay in dhamaan abaal marinihii shaqsiga ahaa uu Modric ku guulaystay balse waxay taasi keentay in jamaahiirtu ku doodaan in Ronaldo laftiisu uu caawin helayay.

Haddaba Zlatan Ibrahimovic oo qaabkiisii looga bartay uga hadlaya in Florentino Perez uu ahaa shaqsigii Messi kula soo tartamayay Ballon d’Or ayaa Fox Sports u sheegay: “Hadda waxaynu ognahay in Perez uu ahaa kii Messi kula tartamayay Ballon d’or ee aanu Ronaldo ahayn”.

Hadalka Zlatan Ibrahimovic ayaa sii xoojinaya jamaahiirta kubbada cagta ee ilaa hadda aaminsan in abaal marintii Ballon d’Or uu musuq maasuq ku jiray iyada oo waliba laba dhacdo ay ka soo noqotay qaabkii codbixinta loo sameeyay.