Hadal Uu Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Ka Jeediyey Saudi Arabia Oo Ka Cadhaysiiyey Gaalada Iyo Aflagaado Ay u Geysteen Diinteenna Suuban

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si weyn uga falceliyey waraysi uu bixiyey oo uu ku salleeyey caqiiqada diinta Islaamka iyo mabaadi’da dhawrsanaanta iyo asturnaanta haweenka.

Khabib oo ku sugan waddanka Saudi Arabia ayaa waxa uu ka qayb-galay madal su’aalo lagu weydiiyey, waxaana sida Diinta Islaamku jidaysay uu uga jawaabay su’aal laga weydiiyey haweenka iyo ciyaaraha.

Su’aashan oo jawaabteeda ay ka gadoodeen gaalada oo warbaahintoodu ay si weyn u faaqideen halyeygan magaca weyn ka kabsaday dunida Islaamka, ayaa ugu dambayn waxay aflagaaddeeyeen diinta Islaamka.

Muxuu sheegay Khabib

Khabib oo ku sugan Saudi Arabia ayaa waxa la weydiiyey xilli uu hadal ka jeedinayey munaasibad, doorka haweenka ee feedhka iyo ciyaaraha kala duwan, waxaana uu ku jawaabay: “Haweenka waxaan u hayaa talo wanaagsan, ku dagaallama gurigiina. Talo kalena waxaan ku siinayaa, mar kasta u dhameeya saygiina.”

Wargeyska The Independent ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa markiiba cinwaan farwaaweyn ah kasoo qoray Khabib oo uu ku tilmaamay qof kasoo horjeeda dumarka iyo xuquuqdooda, waxaana uu website-kiisa soo dhigay farriimo lagu aflagaadaynaynayo Diinta Islaamka.

Khabib ayaa dunidu si fiican u baratay horraanta bishii October markii uu dhulka la dhacay McGregor oo diinta Islaamka aglagaado u geystay, waxaana rabshad yar oo uu sameeyey markii ay dhamaatay ciyaartaasi lagaga joojiyey inuu ka qayb-galo ciyaaro feedh ah, hase yeeshee waxa la filayey in uu kulankiisa ugu soo horreeya la ciyaaro Floyd Mayweather oo uu lacag badan ka heli lahaa, hase yeeshee ninka reer Maraykan ee Mayweather ayaa diiday inuu fursad siiyo Khabib, waxaanu sannadka cusub horraantiisa la feedhtami doonaa Tanshin Nasukawa oo u dhashay waddanka Japan.

Kaddib markii ay soo xidhantay sheekada Mayweather, waxa la filayaa in Khabib uu la ciyaaro Tony Ferguson oo Maraykanka u dhashay sannadka soo socda ee 2019 gudihiisa.

Warbaahinta kale ee sida weyn u aflagaadaysay Khabib waxa ka mid ah New York Times, Fox Sports iyo kuwo kale oo si weyn looga yaqaano dunida.

Si kastaba ha ahaatee, Khabib ayaa waxa uu bartilmaameed u noqday warbaahinta gaalada, sababtuna waa inuu yahay shaqsi ku dhaqma diinta Islaamka oo aan marna ka gabban inuu soo bandhigo waajibaadkeeda.