Gyokeres Wuxuu Diyaar U Yahay Inuu U Dhoofo Old Trafford – Manchester United Go’aankeeda Waa Kan

Sida uu sheegay Ben Jacobs, weeraryahanka Sporting, Viktor Gyokeres ayaa aad u xiiseynaya inuu ku biiro Manchester United, xitaa iyadoo aan usoo bixin tartanka Champions League. Haddii United ay awooddo inay hesho lacagta €70 milyan ee lagu qiimeeyay, weeraryahanka reer Iswiidhan wuxuu diyaar u yahay inuu markale la shaqeeyo Ruben Amorim.

Gyokeres, oo heshiiskiisa lagu burburin karo €100 milyan, ayaa la sheegayaa in lagu heli karo qiyaastii €70 milyan — waana lacag ay suurtagal tahay in United ay bixiso iyagoo sameynaya iibyo ciyaartoy iyo qorsheyn maaliyadeed oo xeeladaysan.

Ben Jacobs wuxuu sheegay in kooxda ay suurtogal u tahay inay heshiiska dhameystiraan haddii ciyaartoy mushahar badan qaata sida Marcus Rashford iyo Jadon Sancho ay baxaan.

“Ma aaminsani in Gyokeres uu qaadan doono £300,000 todobaadkii ama wax ka badan. Marka haddii Rashford iyo Sancho ay baxaan, waxay heli doonaan fursad ah in mushahaarka ka bannaan u adeegsadaan ciyaartoy cusub. Sidaas darteed haddii ay ogolaadaan inay bixiyaan lacagta kala iibsiga iyo lacagaha wakiilada, inta aysan sameyn xisaab xir ka hor sannad maaliyadeedka cusub, waxay noqon kartaa dariiq ay ku dhamaystiraan heshiiska,” ayuu yiri Ben Jacobs.

Gyokeres wuxuu xilli ciyaareed heer sare ah ku soo qaatay Sporting, isagoo dhaliyay 54 gool isla markaana bixiyay 12 caawin 52 kulan oo uu saftay dhammaan tartamada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football