Gyökeres Oo Diiday Laba Dalab Oo Waa-weyn; Wuxuu Keliya Doonayaa Inuu U Wareego Kooxda…………….

Weeraryahanka kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyökeres ayaa si cad u diiday laba dalab oo waaweyn oo uga yimid kooxaha Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska Record ee Portugal.

Kooxo ay ka mid yihiin Al-Hilal iyo Al-Qadsiyah ayaa la sheegay inay si rasmi ah ula soo xiriireen Gyökeres, iyagoo u bandhigay heshiisyo dhaqaale oo aad u weyn. Si kastaba ha ahaatee, xiddigan reer Sweden ma doonayo in uu u wareego horyaalka Sacuudiga, wuxuuna weli sugayaa Arsenal, oo ah kooxda uu sida gaar ah u doonayo.

Waxaa la fahamsan yahay in Gyökeres uu durba joojiyay ka qeybgalka tababarka kooxda Sporting, si uu cadaadis ugu saaro maamulka in la fasaxo, iyadoo Arsenal tahay meesha uu doonayo inuu aado.

Dhanka kale, Arsenal weli ma go’aansanin in Gyökeres uu yahay bartilmaameedka ugu muhiimsan. Kooxda ayaa sidoo kale xiiseyneysa weeraryahanka Benjamin Sesko oo ka tirsan RB Leipzig, waxaana la sheegayaa in aan weli heshiis lala gaarin midkoodna.

Gyökeres ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay goolal badan oo muhiim u ahaa Sporting, wuxuuna noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu qiimaha badan ee suuqa xagaagan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football