Xiddigii hore ee Real Madrid, Guti, ayaa ka dhiibtay ra’yigiisa ku aaddan cida uu u arko inay ku habboon tahay ku guuleysiga Ballon d’Or 2025.
Guti ayaa sheegay in, inkastoo Ousmane Dembele uu xilli ciyaareed cajiib ah soo qaatay, ay jiraan ciyaartooy ka fiican oo u qalma abaalmarinta.
Guti ayaa yiri:
“Abaalmarintan Ballon d’Or mararka qaar ma jecli. Mararka qaar waxaa la eegaa koobab, marna lama eego.
Waa inay ku saleysnaataa goolasha, caawinta iyo bandhigyada muhiimka ah.”
“Haddii xilli ciyaareedkan kaliya lagu qiimeeyo, waxaa laga yaabaa in Dembele uu mudan yahay. Laakiin anigu waxaan rumeysanahay in ay jiraan ciyaartooy ka fiican.”
Dembele Xilli Ciyaareedkii 2024/25:
- Ku guuleystay Champions League, Ligue 1, iyo French Cup
- Wuxuu ku lug yeeshay 48 gool 49 kulan gudahood
Waxaa la tartamaya: Kylian Mbappe, Mohamed Salah, Raphinha, iyo Lamine Yamal
Guti wuxuu u sheegay warbaahinta Marca in aysan abaalmarintu mar walba caddaalad ku saleysneyn, isagoo ku tilmaamay mid hadba sida la rabo loo siiyo ciyaartooyda.