Guardiola Oo Shaaca Ka Qaaday In Man City Ay Iibineyso Ciyaartoy Badan Ka Hor Xilli Ciyaareedka Cusub

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay haatan heystaan ciyaartoy aad u badan, taasoo keeni karta in qaar la iibiyo xagaagan.

Guardiola ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan mustaqbalka Ilkay Gundogan, oo dib ugu soo laabtay Etihad xagaagii hore kaddib hal xilli ciyaareed oo uu kusoo qaatay Barcelona, waxaana lala xiriirinayaa inuu ku biirayo kooxda Galatasaray ee dalka Turkey.

Guardiola wuxuu ku jawaabay:

“Ma aqaan wax arrintaas la xiriira,”

“Laakiin, hadda waxaan haysanaa koox ballaaran — ciyaartoy aad u badan.”

“Si kastaba ha ahaatee, Ilkay wuxuu weli qeyb ka yahay qorshahayga iyo kooxda.”

Waxaa xusid mudan in Guardiola uu kooxda ku soo daray Abdukodir Khusanov, Omar Marmoush, iyo Vitor Reis intii lagu guda jiray suuqa Janaayo.

Xagaagan, Tijjani Reijnders ayaa ka yimid AC Milan, halka Rayan Cherki laga keenay Lyon, iyo Rayan Ait-Nouri oo laga soo qaatay Wolves heshiis ku kacay £31 milyan.

Tirada badan ee xiddigaha cusub iyo kuwa horeba waxay muujinayaan in Manchester City laga yaabo inay xagaagan kala diraan qaar ka mid ah ciyaartoydooda si loo yareeyo culayska kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football