Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa wareysi uu siiyay DAZN ku amaanay xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, balse si cad u sheegay in Lionel Messi weligiis ahaan doono mid gaar ah oo aan cidina lala barbardhigi karin.
“Qaabka uu u fahmayo ciyaarta waa heer aad u sarreeya, marka loo eego da’diisa,” ayuu yiri Guardiola. “Waxaan leenahay nasiib in aan mar kale helno wiil sidaan u aragti dheer. Laakiin ma oran doono wuxuu la mid yahay Leo, waan ka xumahay, sababtoo ah aniga ahaan waligeed dunida ma jiri doono qof la mid ah Messi. Waa wax aan macquul ahayn.”
Guardiola wuxuu sharaxay in biseylka Messi ee garoonka — gaar ahaan go’aan qaadashada iyo fahamka ciyaarta — ay tahay wax caadiyan lagu gaaro da’da u dhexeysa 23 ilaa 25 sano.
“Mararka qaar, haddii ciyaaryahan uu yahay mid hibo badan, waxay u muuqataa in mar kasta oo kubad uu helo uu rabo inuu la soo baxo wax gaar ah.” ayuu yiri.
Horaantii usbuucan, intii lagu jiray furitaanka Monarka Clinic, Guardiola wuxuu sidoo kale muujiyay rajo uu ka qabo mustaqbalka Yamal.
“Lamine wuxuu joogaa kooxda ugu fiican si uu u noqdo kan ugu fiican. Laakiin wuxuu u baahan yahay inuu caddeeyo tayadiisa saddexdii maalmoodba mar muddo 15 sano ah. Waxaan ku raaxeystay kubadda Leo. Waxaan jeclaan lahaa inaan tababaro Lamine, laakiin taasi ma dhici doonto,” ayuu ku soo xiray Guardiola.