Guardiola Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Aflagaaddadii Klopp Kula Kacay Tartanka Koobka Adduunka Ee Kooxaha

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si kaftan oo maad leh uga falceliyay hadalkii tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, kaasoo dhowaan ku tilmaamay Club World Cup-ka cusub inuu yahay “fikraddii ugu xumayd ee abid lagu dabaqo kubadda cagta.”

Guardiola, oo kooxdiisa Man City haatan ka qeybgaleysa tartanka, ayaa yiri:

“Wax badan ayaan Jurgen la murmay waqtiyo kala duwan. Waan garanayaa meesha fikirkiisu ka yimid.”

“Waan ixtiraamayaa, waxaan xitaa difaaci lahaa dooddiisa. Laakiin anaga [tababarayaasha], shaqo ayaan u haynaa kooxaha. Annagu ma nihin kuwa qabanqaabiya tartamada.

“Marka aad halkaan joogto, aad baad u yaabeysaa. Kooxo badan ayaa ka cabanaya tartankan maxaa yeelay ma joogaan—laakiin haddii ay halkaan ka qeybqaadan lahaayeen, waxaa laga yaabaa inay jeclaan lahaayeen. Hadalkan Guardiola ayaa u muuqda mid si toos ah uga jawaabaya eedeymihii Klopp, isagoo muujinaya in tartankan uu yahay fursad weyn oo aysan dhammaan kooxuhu heli karin. Waxa uu sidoo kale xasuusiyay in tababarayaashu aysan go’aan ka gaari karin jadwalka tartamada, balse marka fursad la helo, ay tahay in la fahmo qiimaha iyo sharafka ay leedahay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football