Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si furan uga hadlay saameynta ay ka filayaan tartanka Club World Cup iyo sida ay u saameyn karto ciyaartoydiisa inta lagu jiro xilli ciyaareedka cusub.
Guardiola ayaa yiri:
“Kadib tartanka, aan aragno waxa dhaca. Aan aragno waxa dhaca final-ka kadib. Waan nasan doon-naa intuu Premier League noo ogolaado.
“Waxaa laga yaabaa in November, December ama January ay musiibo noqoto, inaan daalno oo koobka adduunka ee kooxuhu na burburiyo.
“Ma hubo, waa markii ugu horreysay nolosheena oo tan dhacdo. Markaan soo noqono ayaan arki doonnaa.”
Guardiola ayaa muujiyay walaac ku saabsan jadwalka ciriiriga ah ee kooxda la kulmi doonto, gaar ahaan marka la eego waqtiga nasasho ee koobkan iyo saameynta ay ku yeelan karto caafimaadka iyo firfircoonida ciyaartoyda.