Guardiola Kulan Kasta Waan Ku Hor Guuldaraystay, Ma Aqaano Sida Isaga Guul Looga Gaadho – Tababare Maurizio Sarri Oo Is Dhiibay Kahor Kulanka Caawa.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa kahor kulanka caawa ay kooxdiisa soo dhawayn doonto dhigeeda Manchester City sheegay hadal ay suurogal tahay inaysan la dhicin jamaahiirta kooxdiisu.

Pep Guardiola ayaan wali wax guuldaro ah kala kulmin Maurizio Sarri dhammaan kulamada ay iska hor yimaadeen waxaana ay markale isku arki doonaan Stamford Bridge maanta oo Sabti ah xilli Sky Blues ay 10 dhibcood ka sarrayso Blues.

Guul ay maanta Chelsea gaadho ayaa dib ugu soo celin doonta tartanka horyaalka balse Sarri ayaa kulanka kahor is dhiibay isaga oo sheegay in sida looga adkaado Guardiola ay tahay shaqo uusan wali aqoonsan sida loo qabto.

59 jirkii hore ee Napoli ayaa yidhi mar wax laga weydiiyay sida loo garaaci karo Guardiola “Ma garanayo, Kulamada aan Guardiola kahor tago waan guuldaraystay mid kasta, Waa inaad weydiisaan qof kale”

“Kulankani xaqiiqdii waa mid muhiim ah, Waan ognahay inuu yahay kulan aad u adag oo aanu kahor jeedno malaha kooxda ugu fiican Yurub, Sidaa darteed waanu ognahay inuu aad u adag yahay”

“In iyaga laga adkaado waxay ahayd wax aan macquul ahayn mudo  dheer laakiin kulan gudihiisa wax kasta ayaa dhici kara, Waxaan filayaa inaanu horumarayno, Laakiin iyaguna way horumarayaan sidoo kale, Sidaa darteed way adagtahay in laga soo kabto farqiga”

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa kulankii ugu dambeeyay guuldaro kala soo kulantay kooxda Watford waana guuldaradii labaad ee ay la kulmaan gudaha horyaalka xilli ciyaareedkan

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. laacib waxad rabtan miyad no shegaysan chelsea waxa ka badiyey wolves , watford maha .. hlka qoraalka inaga so hagajiya

Comments are closed.