Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa qirtay in haddii uu xilli ciyaareed sidan u xun la kulmi lahaa isagoo jooga kooxo waaweyn sida Barcelona ama Real Madrid, durba la ceyrin lahaa.
Manchester City ayaa dhammeysatay xilli ciyaareedkoodii ugu liitay tan iyo markii Guardiola yimid, iyagoo ku dhammeystay kaalinta 3-aad ee Premier League, waxey 13 dhibcood ka dambeysay Liverpool oo hanatay horyaalka.
Kooxda Guardiola ayaa sidoo kale si degdeg ah uga hartay tartamada Champions League iyo Carabao Cup, halka final-kii FA Cup ay Crystal Palace ka qaaday.
Si kastaba, Guardiola ayaa heshiis cusub la saxiixday City bishii November, inkasta oo guul-darrooyin is-daba-joog ah ay hareeyeen kooxda.
Guardiola oo la hadlayay DAZN ayaa yiri:
“Sanadkan aan la kulanay, haddii aan joogi lahaa Spain, ma aanan tababareyn October, November ama December.”
“Haddii aan joogi lahaa Barça ama Madrid, waa ls iga ceyrin lahaa shaqada.
“Laakiin halkan (City) su’aal ahaanba looma qaadin. Waa in la yeeshaa dulqaad dheeri ah.”