Gooldhalinta Karim Benzema, Soo Laabashada Man United & Rikooradii Laga Diiwaangaliyay Kulamadii Xalay Ee Champions League.

Habeenkii labaad ee koobka horyaalada yurub ayey xalay aheyd, qofna walba ayaana isha ku hayay dhamaan kulamadii la ciyaaray ee xiisaha badnaa, waxaa jiray dhawr xaqiiqooyin oo laga soo diiwaangaliyay dhamaan kulamada.

Haddaba halkaan hoose kaga bogo xaqiiqooyinkii ugu waaweynaa ee xalay laga qoray kulamadii xiisaha badnaa ee dhacay, waxaana soo koobay OptaJoe oo ah xog shabakad xogaha aruurineysay sanadahii ugu dambeeyay.


Manchester United ayaa sameysay soo laabasho ay ku guuleysaneyso kulan ka tirsan koobka Champions League iyadoo laba gool dhalisay shanta daqiiqo ee ugu dambeysa kulanka markii ugu horreysay tan iyo 1999 kulan ay Bayern la ciyaareen.

Gabriel Jesus ayaa noqday xiddigii ugu horreeyay ee laba rigoore ka dhaliya tartanka Champions League isagoo difaacaya koox ka tirsan England tan iyo Wayne Rooney kaas oo Otelul Galati ka dhaliyay October 2011.

Cristiano Ronaldo ayaa soo afjaray abaartii gool la’aanta ee ka heysatay UEFA Champions League, 20 kubad uu goosha ku tuuray iyo 453 daqiiqo kadib wuxuu shabaqa kasoo taabtay Man United.

Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii 200-aad ee waayahiisa Real Madrid dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna noqday xiddiga 7-aad ee darajadaas gaara.

Gareth Bale ayaa ka qeyb qaatay 10-gool, sideedii kulan ee ugu dambeysay Champions League wareegiisa group-yada, 5-gool iyo 5-caawin.

David Silva ayaa dhaliyay 3-gool tartanka Champions League fasalkaan, waana markii ugu fiicneed oo uu sidaan ka sameeyo tartankaan taariikhda.