GOOBAHA CABSIDA: Garoomada Kubbada Cagta Aduunka Ee Ugu Cabsida Badan Ciyaartoyda & Jamaahiirta Oo La Soo Bandhigay Iyo Kooxaha Ay Hoyga U Yihiin.

Amaanka garoomada kubbada cagta aduunka ayaa ah kuwo kala duwan sababo jira awgeed halka garoomada qaar ay yihiin kuwo ciyaartoyda iyo jamaahiirta saamayn iyo cabsi badan ku keena. Haddaba warbixin ay BBC-du ka diyaarisay xogta garoomada kubbada cagta aduunka ugu cabsida badan ayaa lagu ogaaday kooxaha kubbada cagta ee ay garoomadoodu yihiin kuwa ugu halista badan.

Garoonka kooxda reer Argentina ee Boca Juniors ayaa noqday garoonka kubbada cagta caalamka ugu cabsida badan waxaana lagu sifeeyay in garoonka La Bombonera uu yahay kan ugu halista badan aduunka ee ciyaartoy lagu daawan karo ee jamaahiirta iyo ciyaartoyda martida ku ah.

Maalmihii la soo dhaafay indhaha kubbada caalamka ayaa si wayn u qabtay garoonka kooxda Boca Juniors halkaas oo ay ka dhacday lugtii hore ee ciyaarta finalka koobka kooxaha qaarada South America ee  Copa Libertadores waxayna ciyaartani dhex martay kooxaha Argentina ugu wayn ee River Plate iyo Boca Juniors iyada oo xaalada waalida ah ee kulankan laga dareemay  Buenos Aires iyo caalamka kubbada cagta.

Waxaana garoonka kooxda Boca Junior lagu calaamadiyay garoonka kubbada cagta aduunka oo dhan ugu halista badan in ciyaartoy lagu daawado ama ay ciyaartoy marti ku noqdaan waana waalida ay sameeyaan jamaahiirta kooxda Boca Juniors.

Garoonka labaad ee kubbada cagta aduunka ugu halista badan waxaa lagu sheegay garoonka kooxda Red Star Belgrade ee Rajko Mitic kaas oo ku yaala caasimada dalka Serbia ee Belgrade waxaana kaalinta saddexaad ee garoonka ugu halista badan galay garoonka Hernando Siles oo ku yaala dalka Bolivia kaas oo jooga dheer ee uu kaga yaalo dhulka ku dhibaateeya ciyaartoyda iyo jamaahiirta soo booqda.

Garoonka kooxda Galatasaray ee  Turk Telekom Arena iyo garoonka kooxda Napoli ee San Paolo si la mid ah garoonka kooxda reer Holland ee Feyenoord ee De Kuip in Rotterdam ayaa dhamaantood ku soo baxay liiska lixda garoon ee kubbada cagta aduunka ugu halista badan.

Horyaalka La Liga ayaa hal garoon ku yeeshay kuwa ugu cabsida badan kubbada cagta aduunka wuxuuna noqday garoonka kooxda Valencia ee Mestalla Stadium oo la ogaa qaabkii ay ciyaartoyda Barcelona madaxa ugala dhaceen walxii ay soo tuureen.

Laakiin qaabka uu u samaysan yaahy Mestaalla Stadium ayaa ka dhigtay mid ka mid ah garoomada kubbada cagta ugu halista badan laakiin ma jiro hal garoon oo Premier league ah oo soo galay liiska garoomada ugu halista badan kubbada cagta.