Gavi Oo Si Lama Filaan Daaha Uga Rogay Sirta Ka Dambeysa Saameynta Lamine Yamal!

Gavi ayaa si weyn u ammaanay dabeecadda iyo kalsoonida Lamine Yamal, isaga oo muujiyay sida da’yarka weerarka uga ciyaara Barcelona u wajaho cadaadiska iyo dhaleeceynta.

“Lamine ma dareemo cadaadis iyo dhaleeceyn; waa astaanta ugu fiican ee uu leeyahay,” ayuu yiri Gavi. “Ma daneeyo waxa dadka ka sheegayaan. Diiradda ayuu saaraa ciyaarta kubadda cagta iyo sida uu dadweynaha ugu madadaalin karo. Waxaan rajeynayaa inuu sidaas ku sii socdo. Waa inuu kooxdan kula guuleysto koobab badan.”

Gavi wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta weyn ee Lamine Yamal uu yeeshay xilli ciyaareedkan iyo rajada uu ka qabo in wiilka yar uu ku guuleysto abaalmarino shaqsiyadeed.

“Lamine xilli ciyaareed cajiib ah ayuu sameeyay, wuxuu si weyn uga qeyb qaatay koobabkii aan ku guuleysanay. Wuxuu si dhab ah ugu tartami karaa Ballon d’Or.”

Wuxuu intaas ku daray: “Aniga ahaan, Dembele waa inuu ka mid noqdaa saddexda ugu sareysa. Isagana waxaan u arkaa sida walaalkey. Pedri isna wuu u qalmaa, laakiin abaalmarinta badanaa weeraryahannada ayaa qaata.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football