Gavi Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Mudan Ku Guuleysiga Ballon d’Or Sanadkaan

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona, Gavi, ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis Lamine Yamal, isagoo sheegay in xilli-ciyaareedkan uu ahaa mid la yaab leh, isla markaana uu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or.

“Ballon d’Or? Waa run in Dembélé uu soo bandhigay xilli-ciyaareed layaableh, waxeyna ila tahay inuu si cad ugu jiro saddexda ugu sarreeya,” ayuu yiri Gavi.

“Laakiin runta marka la sheego, waxa uu Lamine Yamal sameeyay xilli-ciyaareedkan waa wax ka baxsan caqliga—waa ciyaariyahan ciyaaryahan gaar ah, waxaana runtii rajeynayaa inuu ku guuleysto abaalmarinta”

Gavi ayaa sidoo kale muujiyay sida uu u qadariyo Dembélé, isagoo ku tilmaamay “walaal”, balse wuxuu caddeeyay in Yamal uu sameeyay wax aan la dafiri karin.

“Ousmane waa sida walaalkey, waana farxi lahaa haddii uu ku guuleysto. Laakiin si daacadnimo leh, Lamine waxa uu sameeyay xilli-ciyaareed gaar ah oo aan la mid ahayn,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Gavi.

Yamal ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah da’yarta ugu saameynta badan kubadda cagta Yurub sanadkan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football