Gary Neville Oo Saadaaliyay Cidda Ku Guuleysaneysa Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe

Gary Neville, oo hore uga tirsanaa Manchester United, ayaa markale saadaaliyay in Arsenal ay hanan doonto horyaalka Premier League xilli-ciyaareedka 2025/26.

Tani waa sanadkii saddexaad oo xiriir ah oo uu Neville saadaalintiisa u xusho Arsenal, inkasta oo aysan weli ku guuleysan horyaalka tan iyo markii uu bilaabay taageerada.

“Waan ku celinayaa, Arsenal ayaa qaadeysa horyaalka sanad kaan. Waa inaan laba jibbaaro saadaashayda, miyeysan aheyn?” ayuu Neville ka yiri barnaamijka It’s Called Soccer.

“Laba xilli ciyaareed oo xiriir ah ayaan taageeray, waxayna laba jeer kusoo dhammeeysteen kaalinta labaad. Markii ugu horreysay ma aanan taageerin, City ayaan doortay. Laakiin hadda waxaan go’aansaday inaan kusii adkeysto Arsenal.”

Liverpool ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii 2024/25 iyadoo afar kulan u harsan yihiin, taasoo ka dhigaysa in Neville uu mar kale saadaal khaldan bixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, Neville wuxuu rumeysan yahay in Arsenal ay hadda diyaar u tahay inay ugu dambeyn horyaalka qaado.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football