Garsoore Mateu Lahoz Oo Qirtay Inuu Barcelona Ka Hor Istaagay Hanashada Horyaalka La Liga 2013/2014 & Sidey Ku Dhacday Oo Laga Sheekeeyay.

Atletico Madrid ayaa hanatay horyaalka La Liga 2013/2014, wuxuu ahaa mid ka mid ah horyaaladii ugu xiisaha iyo xamaasadda badnaa ee sanadahii ugu dambeeyay soo maray La Liga, balse horyaalkaas waxaa hanan lahaa Barcelona.

Lionel Messi ayaa dhaliyay gool qurux badan oo uu lugta bidix u adeegsaday, balse caawiyihii kulankaas wuxuu tilmaamay garab dhaaf, walow aysan ciyaartoyda Balaugrana wax badan ka murmin go’aanka uu gaaray garsoorka hadana Antonio Mateu Lahoz ayaa ka raali galiyay Barcelona iney dideen goolkaas maadaam uu ogaaday inuu ahaa mid saxan.

“Messi ayaa dhaliyay gool nasiin karay horyaalka, balse garsooraha ayaa diiday” ayuu yiri Elvio Paolorosso oo ahaa caawiyaha Tata Martino kaas oo wareysi siinayay TNT Sports.

“Waxaan aheyn kuwa qolkooda labiska ku oynaya, waxaa noo yimid garsooraha si uu noo raaligaliyo”

“Wuxuu ahaa sanad aad u dhib badan”

Kulanka wuxuu ku dhamaaday kadib diidmada goolka Lionel Messi barbaro (1-1), waxeyna taasi kaga filneed hanashada horyaalka kooxda Atletico Madrid.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.