Xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United, Alejandro Garnacho, ayaa lagu soo warramayaa inuu u wareegi karo kooxda Napoli, sida uu shaaciyay wariye Ben Jacobs.
Wadahadallo ayaa haatan u socda labada kooxood, iyadoo Napoli ay ku qiimeyneyso ciyaaryahanka reer Argentina £40 milyan, halka Manchester United ay dooneyso £60 milyan. Waxaa la filayaa in heshiiska kama dambaysta ah uu noqdo mid u dhaxeeya labada qiime.
Garnacho ayaa ku soo biiray Manchester United sanadkii 2020 isagoo kaga yimid Atletico Madrid, waxaana lagu soo iibsaday aduun dhan £391,000.
Xilli ciyaareedkan, Garnacho wuxuu kasoo muuqday 58 kulan oo uu u saftay kooxda, isagoo dhaliyay 11 gool isla markaana bixiyay 10 caawin.
Haddii uu heshiiskan dhaco, wuxuu noqon doonaa tallaabo weyn oo horumarineed oo uu Garnacho ku dhisayo xirfadiisa, isagoo hadda u socda Serie A si uu u sii kobciyo kartidiisa.
Waxaa la sugayaa go’aanka rasmiga ah ee labada kooxood ka gaari doonaan mustaqbalka ciyaaryahankan dhalinyarada ah ee hibada sare leh.