Wargeys-ka “SportsKeeda” ayaa shaaciyay war lama filaan ah, isagoo xaqiijiyay in kooxda Sacuudiga ka dhisan ee Al-Nassr ay si aad ah ugu dhowdahay saxiixa Alejandro Garnacho.
Sida uu qoray wargeysku, Al-Nassr waxay dooneysaa inay dib isugu keento Garnacho iyo Cristiano Ronaldo, maadaama labadoodu horey uga wada ciyaareen Manchester United. Talaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu qanciyo Ronaldo si uu usii joogo kooxda.
Maamulka Al-Nassr ayaa doonaya inay xoojiyaan kooxda, kaddib markii ay ku dhammeysteen xilli ciyaareedkan iyaga oo aan ku guuleysan wax koob ah.
Alejandro Garnacho ayaa ku soo biiray Manchester United sanadkii 2020 isagoo ka yimid akadeemiyada dhalinyarada ee Atletico Madrid. Tan iyo markaas, wuxuu u saftay Red Devils 144 kulan, isagoo dhaliyay 26 gool, kana caawiyay 22 kale.