Difaaca dhexe ee Arsenal, Gabriel Magalhaes, ayaa taageeray fikradda ah in kooxdiisu ay lasoo wareegto garabka weerarka ee Real Madrid, Rodrygo.
Gabriel ayaa wareysi uu siiyay podcast-ka Podpah ee dalka Brazil ka yiri:
“Ma garanayo. Waan jeclaan lahaa, laakiin yaa og? Rodrygo aniga ahaan waa mucjiso.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Magaciisa aad ayaa loo hadal hayaa. Haddii ay aniga igu xirnaan lahayd, dabcan waan keeni lahaa. Sidaan sheegay, waa xiddig mucjiso ah.”
Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay Rodrygo ka dhigtay bartilmaameedkooda koowaad ee xagaagan si ay u xoojiyaan weerarkooda.
Si kastaba ha ahaatee, helitaanka xiddigaas ma sahlana. Lama soo warinayo in Rodrygo uu si gaar ah u doonayo inuu ka tago Real Madrid, halka kooxda reer Spain-na ay la imaan doonto shuruudo adag haddii wada-hadal u furmo labada koox.