Dib-u-dhiska kooxda Liverpool ee xagaagan ayaa si buuxda u socota, iyadoo daafaca midig ee reer Netherlands Jeremie Frimpong uu dhammeystiray heshiis weyn oo uu ugu wareegayo Anfield, kaddib markii Trent Alexander-Arnold uu ku biiray Real Madrid.
Frimpong oo ka yimid Bayer Leverkusen ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro qorshaha cusub ee uu wado tababaraha reer Netherlands Arne Slot.
Isagoo ka hadlayay heshiiska uu ugu soo wareegay Liverpool, Frimpong wuxuu iftiimiyay doorkii uu Slot ku lahaa go’aankiisa:
“Haa, dhab ahaantii. Markii iigu horreysay ee aan la hadlay, isla markiiba waxaan dareemay iney dan iigu jirto. Wuxuu ii sheegay inuu si dhab ah ii doonayo, isla markaana aan si fiican ugu habboonahay kooxda.”
“Markaad maqasho in Arne Slot uu ku doonayo — islamarkaana aad heleyso fursad aad ugu ciyaarto Liverpool — waa sharaf weyn, miyaad diidi kartaa?” ayuu yiri Frimpong.
Daafacan da’da yar ayaa hadda loo arkaa inuu yahay badalka cusub ee difaaca midig, isagoo qeyb muhiim ah ka noqon doona safka cusub ee Liverpool ee xilli ciyaareedka 2025–26.